Isbitaalka Jaamacadda Bariga Afrika Magaalada Boosaaso iyo Isbitaalka Hodan ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada adeegyada caafimaadka, tababarrada xirfadlayaasha caafimaadka, is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta tayada daryeelka bukaannada. Heshiiskan ayaa saldhig u noqonaya iskaashi waara oo u dhexeeya labada isbitaal, iyadoo ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado tayada adeegyada caafimaadka, la horumariyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, isla markaana bulshada Soomaaliyeed loo fidiyo adeegyo caafimaad oo tayo sare leh.
Iskaashigan wuxuu sidoo kale dhiirrigelinayaa is-weydaarsiga aqoonta, horumarinta xirfadaha, iyo wadaagista waayo-aragnimada caafimaad ee labada hay’adood, si loo xoojiyo tayada daryeelka bukaannada. Mas’uuliyiinta labada isbitaal ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha caafimaadka Soomaaliyeed, isla markaana door ka qaadan doonta horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daboolidda baahiyaha sii kordhaya ee bulshada.
Chat with Hodan Hospital