Heshiiskan ayaa dhigaya in Vitality Vitamin Drips ay gudaha Hodan Hospital ka hirgeliso oo ay ka shaqeyso adeegyo ku saabsan baaritaanka heerarka iyo noocyada kala duwan ee fiitamiinnada muhiimka u ah jirka aadanaha, iyadoo sidoo kale adeegyada ku saleysan natiijooyinka baaritaanka loo fulinayo si waafaqsan habraacyada caafimaad.
Dhanka kale, Hodan Hospital ayaa Vitality Vitamin Drips u diyaarinaysa goobta adeegga iyo taageerada lagama maarmaanka u ah adeegga bukaannada, iyadoo labada dhinac ay iska kaashanayaan sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo caafimaad oo tayo leh oo casri ah.