Hodan Hospital

Isbitaalka Hodan ayaa maanta martigeliyay wafdi ka socday Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA), kuwaas oo u yimid qiimeyn iyo kormeer la xiriira adeegyada caafimaad ee isbitaalka.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Dr. Alex, oo ah Madaxa Caafimaadka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Agaasimaha Centre for Aviation Medicine, isla markaana ah wakiil CASOA.
Wafdiga isbitaalka waxaa ku soo dhaweeyay Dr. Ibrahim H. Ali, Madaxa Waaxda Gargaarka Degdegga ah ee Isbitaalka Hodan, ahna dhakhtar caafimaadka Hay’adda SCAA ah..
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in wafdigu qiimeyn ku sameeyo adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Hodan, si Isbitaalka Hodan u bilaabo baaritaannada caafimaadka shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.