Isbitaalka Hodan ayaa tababar caafimaad u qabtay ardayda Kulliyadda Daawada iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ku jira sannadihii ugu dambeeyay ee waxbarashadooda.
Tababarka ayaa ardayda lagu barayay habka loo qaado xogta iyo taariikhda caafimaad ee bukaanka, iyo sida bukaanka si habboon looga waraysto xaaladdiisa caafimaad. Arrimahan ayaa muhiim u ah qiimeynta iyo ogaanshaha xaaladda caafimaad ee bukaanka.
Tababarka waxaa bixinayay Dr. Yasir Balla, , oo ah dhakhtar ku takhasusay Cudurrada Guud iyo Cudurrada Caloosha iyo Mindhicirrada (Internal Medicine and Gastroenterology).
Isbitaalka Hodan wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa horumarinta aqoonta iyo xirfadaha jiilka cusub ee xirfadlayaasha caafimaadka Soomaaliyeed, isagoo siinaya ardayda fursado ay ku xoojiyaan aqoontooda iyo khibraddooda caafimaad.
Isbitaalka Hodan wuxuu aaminsan yahay in horumarinta iyo soo saarista xirfadlayaal caafimaad oo tayo leh ay qayb muhiim ah ka tahay horumarinta caafimaadka dalka, iyadoo Isbitaalka Hodan uu yahay Hoyga Haldoorka Caafimaadka Soomaaliya.