Hodan Hospital

sbitaalka Hodan ayaa kulan sagootin iyo duco ah u qabtay Dr. Omar Dahir, Agaasimihii Horumarinta Isbitaalka Hodan, oo hadda noqday Agaasimaha Guud Isbitaalka Jazeera.
Kulanka oo lagu qabtay Isbitaalka Hodan ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxda iyo maamulka isbitaalka.
Howlwadeennada iyo maamulka Isbitaalka Hodan ayaa qiray in Dr. Omar uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan isbitaalka, kaas oo muddo laba sano ah ka soo shaqaynayay horumarkiisa.
Dr. Omar ayaa lagu xusuusan doonaa doorkii wax-ku-oolka ahaa uu ka qaatay horumarinta Isbitaalka Hodan, isaga oo la yimid fikrado kala duwan oo wax ku ool u ahaa horumarka isbitaalka.
Agaasimaha Isbitaalka Hodan, Dr. Mohamed Isxaq Omar, ayaa ballanqaaday in Isbitaalka Hodan uu si dhow ula shaqayn doono Isbitaalka Jazeera, isaga oo uga mahadceliyay golaha maamulka Isbitaalka Jazeera magacaabista Dr. Omar Dahir.

………Dhamaaad…….