Isbitaalka Hodan ayaa maanta soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo sidoo kale ah musharrax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka waxaa booqashadiisa ku weheliyay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, xubin ka tirsan Guddiga Tacliinta Sare, iyo marti sharaf kale.
Wafdiga waxaa xarunta Isbitaalka Hodan ku soo dhaweeyay Dr. Mohamed Isxaq, Agaasimaha Guud Isbitaalka Hodan, kaas oo warbixin ka siiyay adeegyada caafimaad isbitaalku bixiyo, horumarka uu sameeyay, iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo tayada daryeelka caafimaadka ee bulshada Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka ayaa maamulka Isbitaalka Hodan uga warbixiyay qorshihiisa la xiriira horumarinta daryeelka caafimaadka ee xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in haddii uu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu ka shaqeyn doono hirgelinta caymis caafimaad oo ay ka faa’iideysan doonaan 275-ka xildhibaan Golaha Shacabka iyo qoysaskooda, si loo xaqijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen isbitaalka, waxayna u rajeeyeen guul iyo wanaag tartanka uu ugu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Chat with Hodan Hospital