Isbitaalka Hodan ayaa maanta qaabilay wafdi ka kooban dhaqaatiir Talyaani ah oo ku takhasusay qalliinnada wadnaha carruurta, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid isbitaalka.
Wafdiga ayaa waxaa qayb ka ahaa wakiillo ka socday Hormuud Foundation, hay’ado samafal (NGOs) oo ka howl-gala Talyaaniga, iyo Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd inay indho-indheyn ku sameeyaan adeegyada iyo awoodda caafimaad ee Isbitaalka Hodan, isla markaana ay ka wada hadlaan fursadaha iskaashi iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada adeegyada caafimaadka, gaar ahaan qalliinnada wadnaha carruurta.
Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la horumariyo iskaashiyada caalamiga ah ee kor u qaadaya tayada adeegyada caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.