Wafdiga booqashada ku yimid isbitaalka waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha, Mr. Imran Ahmed, Xoghayaha Golaha, Dr. Omar Ahmed Qadi, qaar ka mid ah hawlwadeennada Golaha iyo xubno ka tirsan Guddiga Sare Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.
Wafdiga waxaa soo dhoweeyay Dr. Mohamed Isxaq Omar, Agaasimaha Isbitaalka Hodan. Kulanka ayaa labada dhinac ku yeesheen is-weydaarsi afkaar kala duwan oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Golaha iyo Isbitaalka Hodan.
Kulanka ka dib, wafdiga Golaha NHPC ayaa soo indha-indheeyay qaybaha kala duwan Isbitaalka Hodan, iyagoo xog ka helay adeegyada caafimaad isbitaalku bixiyo iyo hawlaha kala duwan uu qabto.