Munaasabad mahadcelin iyo shahaado sharafeed lagu guddoonsiiyay howl-wadeennadii hagar la’aanta uga shaqeeyay ololaha qalliinnada lacag la’aanta ah ee Isbitaalka Hodan.
Muqdisho, Soomaaliya. Hoolka weyn Isbitaalka waxaa lagu qabtay munaasabad mahadcelin iyo shahaado sharafeed lagu guddoonsiinayay howlwadeennadii kaalinta muuqata ka qaatay hirgelinta ololaha qalliinnada lacag la’aanta ah ee uu fulinayay Isbitaalka Hodan.
Munaasabaddan ayaa lagu maamuusay dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee ay muujiyeen howlwadeennada kala duwan Isbitaalka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay hirgelinta ololahan adeegga bulshada.
Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa uga mahadceliyay dhammaan shaqaalaha ka qeyb qaatay ololahan, iyagoo xusay in guusha la gaaray ay ka dambeysay wadajir, dadaal, iyo dareen adeeg bulsho. Howlwadeennada ayaa sidoo kale la guddoonsiiyay shahaadooyin sharafeed oo lagu aqoonsanayo kaalintooda.
Ololahan qalliinnada lacag la’aanta ah, oo ay maalgelinaysay King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, ayaa fursad u noqday bukaano Soomaaliyeed inay helaan adeegyo caafimaad oo muhiim ah iyagoo aan bixin wax kharash ah.
Isbitaalka Hodan ayaa xusay sida ay uga go’an tahay sii wadista adeegyada caafimaad ee bulshada lagu taageerayo.
Chat with Hodan Hospital