Safiirka dowladda Talyaaniga Soomaaliya ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Hodan Hospital magaalada Muqdisho, booqashadaas oo qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Safiirka waxaa si diirran u qaabilay Agaasimaha Guud isbitaalka Dr. Mohamed Issaq Omar oo uu wehliyo Agaasime Ku-xigeenka isbitaalka Dr. Kayf Khayr, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa dhaqaatiir iyo agaasimayaal kale oo isbitaalka ka tirsan, oo uu ka mid yahay Prof. Dr. Fuad Amir Tarmuun.
Intii uu socday kulanka, Safiirka wuxuu warbixin ka dhageystay adeegyada caafimaad ee kala duwan isbitaalka bixiyo, horumarka la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka, halka wafdigiisuna ay kormeer ku sameeyeen qeybaha kala duwan isbitaalka isla markaana ay la kulmeen dhaqaatiirta iyo agaasimayasha isbitaalka.
Booqashadan waxay muujineysaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka. Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashadiisa, waxayna ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Safaaradda Talyaaniga Soomaaliya.
Sidoo kale, dhawaan Isbitaalka Hodan waxaa yimid dhaqaatiir u dhashay dalka Talyaaniga, kuwaas oo ka fuliyay ololayaal caafimaad, taasoo muujineysa iskaashi sii xoogeysanaya oo u dhexeeya isbitaalka iyo khubarada caafimaadka Talyaaniga.
Chat with Hodan Hospital