Hodan Hospital

Hodan Hospital iyo Heelan Home Healthcare ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu xoojinayo adeegyada daryeelka caafimaadka ee lagu bixiyo guryaha iyo goobaha shaqada, si bulshada Soomaaliyeed loogu fududeeyo helitaanka adeeg caafimaad oo joogto ah.

Heshiiskan ayaa u sahli doona bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bukaannada ku xiran Hodan Hospital, inay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh iyagoo jooga guryahooda ama goobahooda shaqo. Adeeggan ayaa laga hirgelin doonaa dhammaan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo deegaannada ku hareeraysan.

Iyadoo la adeegsanayo iskaashigan, Heelan Home Healthcare waxay fududeyn doontaa in bukaannadu helaan adeegyo caafimaad oo ay bixiyaan dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo xirfadlayaal caafimaad oo leh aqoon iyo khibrad sare, si loo xaqiijiyo sii wadidda daryeelka bukaanka iyo kor u qaadidda tayada adeegyada caafimaadka.

Isbitaalka ayaa horey u bixin jiray adeegga ambalaasta 24 saac maalintii, 7 maalmood usbuucii (24/7), oo lacag la’aan ah, kaas oo bukaannada xaaladaha degdegga ah looga soo qaadi jiray xaafadahooda. Heshiiskan cusub ayaa sii ballaarinaya adeegyadaas, isagoo u suurtagelinaya bukaannada inay helaan daryeel caafimaad oo xirfad leh iyagoo jooga guryahooda ama goobahooda shaqo.

Hodan &Helan
Hodan&Helan
Hodan &Helan