Booqashadaan oo ahayd sidii labada isbitaal ay iskaga kaashan lahaayeen wadashaqeyn joogto ah iyo hormarinta adeegyada caafimaad ayaa waxaa wafdiga kasocday isbitaalka Hodan kusoo dhaweeyay isbitaalka Jazeera Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Jazeera Dr. Omar Dahir.
Kadib shirar waqti kooban qaatay, wafdiga Isbitaalka Hodan ayaa soo kormeeray qeybaha kale duwan ee isbitaalka Taqasusiga ah ee Jazeera.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hodan Dr. Maxamed Isxaq Cumar ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa isbitaalka Jazeera iyo maamulka kale soo dhaweynta diiran ay u sameeyeen wafdigiisa isagoona ballan qaaday in kullamo kale iyo heshiisyo wada shaqeyn ay kala saxiixan doonaan labada isbitaal.