Hodan Hospital

MUNAASABADDA DAAHFURKA OLOLAHA QALLIINNADA LACAG LA’AANTA AH OO KA QABSOONTAY ISBITAALKA HODAN.

Muqdisho, Soomaaliya – 14 May 2026 – Maanta hoolka weyn Isbitaalka Hodan waxaa ka qabsoontay munaasabad si rasmi ah loogu daahfurayay ololaha qalliinnada lacag la’aanta ah ee ay maalgelinayso King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, kaas oo loogu talagalay taageeridda bulshada Soomaaliyeed ee u baahan adeegyada qalliinnada takhasuska leh.

Munaasabadda waxaa si rasmi ah u daahfuray Dr. Mohamed Issaq Omar, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hodan, isagoo si diirran usoo dhaweeyay martidii sharafta lahayd ee kasoo qaybgashay munaasabadda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Ahmed bin Mohammed Al-Muwallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, madaxda King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, madaxda hay’adda IRVD, dhaqaatiirta fulinayay qalliinnada, iyo marti sharaf kale.

Ololahan bani’aadannimo wuxuu bixinayaa adeegyo qalliineed oo lacag la’aan ah, waxaana ka faa’iideysan doona 210 bukaan, kuwaas oo heli doona qalliimo kala duwan oo ay ku jiraan qalliimada cunaha, sanka, kaadi mareenka iyo kilyaha, iyo qalliimada guud.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal uu ku bogaadiyay hirgelinta ololahan muhiimka ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta adeegyada caafimaad ee lagu gaarsiinayo bulshada u baahan, isla markaana ammaanay iskaashiga wax-ku-oolka ah ee ka dhaxeeya dowladda, hay’adaha samafalka, iyo xarumaha caafimaadka.

Sidoo kale, Ambassador Ahmed bin Mohammed Al-Muwallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, ayaa carrabka ku adkeeyay sida Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga go’an tahay taageerada arrimaha bani’aadannimada iyo caafimaadka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in mashruucani uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Dr. Mohamed Issaq Omar, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hodan, ayaa muujiyay sida Isbitaalka Hodan uga go’an tahay sii wadidda adeegyada bulshada lagu taageerayo iyo xoojinta dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka casriga ah ee gudaha dalka.

Ololahan ayaa ka tarjumaya muhiimadda iskaashiga bani’aadannimo ee lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo helitaanka adeegyada caafimaad ee takhasuska leh iyo yareynta baahida loo qabo in bukaannadu u safraan dibadda si ay u helaan daryeel caafimaad.