Booqashadaan oo ahayd sidii labada isbitaal ay iskaga kaashan lahaayeen wadashaqeyn joogto ah iyo hormarinta adeegyada caafimaad ayaa waxaa wafdiga kasocday isbitaalka Hodan kusoo dhaweeyay isbitaalka Jazeera Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Jazeera Dr. Omar Dahir.Kadib shirar waqti kooban qaatay, wafdiga Isbitaalka Hodan ayaa soo kormeeray qeybaha kale duwan ee isbitaalka Taqasusiga ah ee Jazeera.Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hodan Dr. Maxamed Isxaq Cumar ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa isbitaalka Jazeera iyo maamulka kale soo dhaweynta diiran ay u sameeyeen wafdigiisa isagoona ballan qaaday in kullamo kale iyo heshiisyo wada shaqeyn ay kala saxiixan doonaan labada isbitaal.— Dhammaad —
Monthly Archives: November 2026
Isbitaalka Hodan oo qaabilay wafdi ka socda UNHCR Somalia.
Muqdisho, 03, November 2026 – Isbitaalka Hodan ayaa kulan wadashaqeyn dhanka adeegyada caafimaadka la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR Somalia.Kulankaan oo ka dhacay qolka shirarka ee isbitaalka ayaa dhanka hay’adda UNHCR waxaa ku metalayay mas’uuliyiin heer sare ah sida maamulka iyo maaliyadda, iyo madaxa shaqaalaha. Dhanka Isbitaalka Hodan, waxaa shirkaan guddoominayay Mr. Abdulkhadir Baryare, Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Isbitaalka, sidoo kale agaasinka caafimaadka iyo Madaxa Horumarinta Isbitaalka ayaa shirka qeyb ka ahaa.Shirkaan ayaa looga hadlayay sidii shaqaalaha hay’adda UNHCR, Qoysaskooda iyo Carruurtooduba ay uga faa’ideesan lahaayeen adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Hodan. Madaxda Ka socotay hay’adda ayaa ka dhawaajiyay in shaqaalaha hay’adooda ay xusheen isbitaalka Hodan taasi oo ay aad ugu farxeen Maamulka isbitaalka.Ugu danbeyn, Madaxda Kasocotay UNHCR Somalia ayaa Indha-indheyn iyo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee isbitaalka iyagoona u riyaaqay habdhismeedka iyo adeegyada baaxadda leh ee uu bixinayo isbitaalka Hodan.—— Dhammaad ——