Hodan Hospital

Isbitaalka Hodan oo Martigeliyay Wafdi Dhaqaatiir Talyaani ah oo ku takhasusay Qalliinnada Wadnaha Carruurta.

Isbitaalka Hodan ayaa maanta qaabilay wafdi ka kooban dhaqaatiir Talyaani ah oo ku takhasusay qalliinnada wadnaha carruurta, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid isbitaalka.Wafdiga ayaa waxaa qayb ka ahaa wakiillo ka socday Hormuud Foundation, hay’ado samafal (NGOs) oo ka howl-gala Talyaaniga, iyo Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.Ujeeddada booqashada ayaa ahayd inay indho-indheyn ku sameeyaan adeegyada iyo awoodda caafimaad ee Isbitaalka Hodan, isla markaana ay ka wada hadlaan fursadaha iskaashi iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada adeegyada caafimaadka, gaar ahaan qalliinnada wadnaha carruurta.Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la horumariyo iskaashiyada caalamiga ah ee kor u qaadaya tayada adeegyada caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Isbitaalka Hodan oo Qaabilay Maareeyaha guud Ee Hay’adda NIRA.

Isbitaalka Hodan ayaa maanta qaabilay wafdi ka kooban dhaqaatiir Talyaani ah oo ku takhasusay qalliinnada wadnaha carruurta, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid isbitaalka.Wafdiga ayaa waxaa qayb ka ahaa wakiillo ka socday Hormuud Foundation, hay’ado samafal (NGOs) oo ka howl-gala Talyaaniga, iyo Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.Ujeeddada booqashada ayaa ahayd inay indho-indheyn ku sameeyaan adeegyada iyo awoodda caafimaad ee Isbitaalka Hodan, isla markaana ay ka wada hadlaan fursadaha iskaashi iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada adeegyada caafimaadka, gaar ahaan qalliinnada wadnaha carruurta.Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la horumariyo iskaashiyada caalamiga ah ee kor u qaadaya tayada adeegyada caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Isbitaalka Hodan iyo Isbitaalka Jaamacadda Bariga Afrika Boosaaso oo kala saxiixday heshiis.

Isbitaalka Jaamacadda Bariga Afrika Magaalada Boosaaso iyo Isbitaalka Hodan ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada adeegyada caafimaadka, tababarrada xirfadlayaasha caafimaadka, is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta tayada daryeelka bukaannada.  Heshiiskan ayaa saldhig u noqonaya iskaashi waara oo u dhexeeya labada isbitaal, iyadoo ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado tayada adeegyada caafimaadka, la horumariyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, isla markaana bulshada Soomaaliyeed loo fidiyo adeegyo caafimaad oo tayo sare leh. Iskaashigan wuxuu sidoo kale dhiirrigelinayaa is-weydaarsiga aqoonta, horumarinta xirfadaha, iyo wadaagista waayo-aragnimada caafimaad ee labada hay’adood, si loo xoojiyo tayada daryeelka bukaannada.  Mas’uuliyiinta labada isbitaal ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha caafimaadka Soomaaliyeed, isla markaana door ka qaadan doonta horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daboolidda baahiyaha sii kordhaya ee bulshada.

Isbitaalka Hodan oo Soo Dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ahna Musharrax u Taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Isbitaalka Hodan ayaa maanta soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo sidoo kale ah musharrax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka waxaa booqashadiisa ku weheliyay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, xubin ka tirsan Guddiga Tacliinta Sare, iyo marti sharaf kale. Wafdiga waxaa xarunta Isbitaalka Hodan ku soo dhaweeyay Dr. Mohamed Isxaq, Agaasimaha Guud Isbitaalka Hodan, kaas oo warbixin ka siiyay adeegyada caafimaad isbitaalku bixiyo, horumarka uu sameeyay, iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo tayada daryeelka caafimaadka ee bulshada Soomaaliyeed. Intii uu kulanku socday, Wasiirka ayaa maamulka Isbitaalka Hodan uga warbixiyay qorshihiisa la xiriira horumarinta daryeelka caafimaadka ee xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in haddii uu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu ka shaqeyn doono hirgelinta caymis caafimaad oo ay ka faa’iideysan doonaan 275-ka xildhibaan Golaha Shacabka iyo qoysaskooda, si loo xaqijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh. Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen isbitaalka, waxayna u rajeeyeen guul iyo wanaag tartanka uu ugu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

HODAN HOSPITAL Iyo HEELAN HOME HEALTHCARE Oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi Oo Lagu Xoojinayo Adeegyada Caafimaadka Guryaha.

Hodan Hospital iyo Heelan Home Healthcare ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu xoojinayo adeegyada daryeelka caafimaadka ee lagu bixiyo guryaha iyo goobaha shaqada, si bulshada Soomaaliyeed loogu fududeeyo helitaanka adeeg caafimaad oo joogto ah. Heshiiskan ayaa u sahli doona bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bukaannada ku xiran Hodan Hospital, inay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh iyagoo jooga guryahooda ama goobahooda shaqo. Adeeggan ayaa laga hirgelin doonaa dhammaan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo deegaannada ku hareeraysan. Iyadoo la adeegsanayo iskaashigan, Heelan Home Healthcare waxay fududeyn doontaa in bukaannadu helaan adeegyo caafimaad oo ay bixiyaan dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo xirfadlayaal caafimaad oo leh aqoon iyo khibrad sare, si loo xaqiijiyo sii wadidda daryeelka bukaanka iyo kor u qaadidda tayada adeegyada caafimaadka. Isbitaalka ayaa horey u bixin jiray adeegga ambalaasta 24 saac maalintii, 7 maalmood usbuucii (24/7), oo lacag la’aan ah, kaas oo bukaannada xaaladaha degdegga ah looga soo qaadi jiray xaafadahooda. Heshiiskan cusub ayaa sii ballaarinaya adeegyadaas, isagoo u suurtagelinaya bukaannada inay helaan daryeel caafimaad oo xirfad leh iyagoo jooga guryahooda ama goobahooda shaqo.

Safiirka dowladda Talyaaniga Soomaaliya ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Hodan Hospital magaalada Muqdisho, booqashadaas oo qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Safiirka dowladda Talyaaniga Soomaaliya ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Hodan Hospital magaalada Muqdisho, booqashadaas oo qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka iyo horumarinta adeegyada bulshada.   Safiirka waxaa si diirran u qaabilay Agaasimaha Guud isbitaalka Dr. Mohamed Issaq Omar oo uu wehliyo Agaasime Ku-xigeenka isbitaalka Dr. Kayf Khayr, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa dhaqaatiir iyo agaasimayaal kale oo isbitaalka ka tirsan, oo uu ka mid yahay Prof. Dr. Fuad Amir Tarmuun. Intii uu socday kulanka, Safiirka wuxuu warbixin ka dhageystay adeegyada caafimaad ee kala duwan isbitaalka bixiyo, horumarka la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka, halka wafdigiisuna ay kormeer ku sameeyeen qeybaha kala duwan isbitaalka isla markaana ay la kulmeen dhaqaatiirta iyo agaasimayasha isbitaalka. Booqashadan waxay muujineysaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka. Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashadiisa, waxayna ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Safaaradda Talyaaniga Soomaaliya. Sidoo kale, dhawaan Isbitaalka Hodan waxaa yimid dhaqaatiir u dhashay dalka Talyaaniga, kuwaas oo ka fuliyay ololayaal caafimaad, taasoo muujineysa iskaashi sii xoogeysanaya oo u dhexeeya isbitaalka iyo khubarada caafimaadka Talyaaniga.

MUNAASABAD MAHADCELIN IYO SHAHAADO SHARAFEED LAGU GUDDOONSIIYAY HOWLWADEENNADII HAGAR LA’AANTA UGA SHAQEEYAY OLOLAHA QALLIINNADA LACAG LA’AANTA AH ISBITAALKA HODAN

Munaasabad mahadcelin iyo shahaado sharafeed lagu guddoonsiiyay howl-wadeennadii hagar la’aanta uga shaqeeyay ololaha qalliinnada lacag la’aanta ah ee Isbitaalka Hodan. Muqdisho, Soomaaliya. Hoolka weyn Isbitaalka waxaa lagu qabtay munaasabad mahadcelin iyo shahaado sharafeed lagu guddoonsiinayay howlwadeennadii kaalinta muuqata ka qaatay hirgelinta ololaha qalliinnada lacag la’aanta ah ee uu fulinayay Isbitaalka Hodan. Munaasabaddan ayaa lagu maamuusay dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee ay muujiyeen howlwadeennada kala duwan Isbitaalka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay hirgelinta ololahan adeegga bulshada. Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa uga mahadceliyay dhammaan shaqaalaha ka qeyb qaatay ololahan, iyagoo xusay in guusha la gaaray ay ka dambeysay wadajir, dadaal, iyo dareen adeeg bulsho. Howlwadeennada ayaa sidoo kale la guddoonsiiyay shahaadooyin sharafeed oo lagu aqoonsanayo kaalintooda. Ololahan qalliinnada lacag la’aanta ah, oo ay maalgelinaysay King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, ayaa fursad u noqday bukaano Soomaaliyeed inay helaan adeegyo caafimaad oo muhiim ah iyagoo aan bixin wax kharash ah. Isbitaalka Hodan ayaa xusay sida ay uga go’an tahay sii wadista adeegyada caafimaad ee bulshada lagu taageerayo.

MUNAASABADDA DAAHFURKA OLOLAHA QALLIINNADA LACAG LA’AANTA AH OO KA QABSOONTAY ISBITAALKA HODAN

MUNAASABADDA DAAHFURKA OLOLAHA QALLIINNADA LACAG LA’AANTA AH OO KA QABSOONTAY ISBITAALKA HODAN. Muqdisho, Soomaaliya – 14 May 2026 – Maanta hoolka weyn Isbitaalka Hodan waxaa ka qabsoontay munaasabad si rasmi ah loogu daahfurayay ololaha qalliinnada lacag la’aanta ah ee ay maalgelinayso King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, kaas oo loogu talagalay taageeridda bulshada Soomaaliyeed ee u baahan adeegyada qalliinnada takhasuska leh. Munaasabadda waxaa si rasmi ah u daahfuray Dr. Mohamed Issaq Omar, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hodan, isagoo si diirran usoo dhaweeyay martidii sharafta lahayd ee kasoo qaybgashay munaasabadda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Ahmed bin Mohammed Al-Muwallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, madaxda King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, madaxda hay’adda IRVD, dhaqaatiirta fulinayay qalliinnada, iyo marti sharaf kale. Ololahan bani’aadannimo wuxuu bixinayaa adeegyo qalliineed oo lacag la’aan ah, waxaana ka faa’iideysan doona 210 bukaan, kuwaas oo heli doona qalliimo kala duwan oo ay ku jiraan qalliimada cunaha, sanka, kaadi mareenka iyo kilyaha, iyo qalliimada guud. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal uu ku bogaadiyay hirgelinta ololahan muhiimka ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta adeegyada caafimaad ee lagu gaarsiinayo bulshada u baahan, isla markaana ammaanay iskaashiga wax-ku-oolka ah ee ka dhaxeeya dowladda, hay’adaha samafalka, iyo xarumaha caafimaadka. Sidoo kale, Ambassador Ahmed bin Mohammed Al-Muwallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, ayaa carrabka ku adkeeyay sida Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga go’an tahay taageerada arrimaha bani’aadannimada iyo caafimaadka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in mashruucani uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa, Dr. Mohamed Issaq Omar, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hodan, ayaa muujiyay sida Isbitaalka Hodan uga go’an tahay sii wadidda adeegyada bulshada lagu taageerayo iyo xoojinta dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka casriga ah ee gudaha dalka. Ololahan ayaa ka tarjumaya muhiimadda iskaashiga bani’aadannimo ee lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo helitaanka adeegyada caafimaad ee takhasuska leh iyo yareynta baahida loo qabo in bukaannadu u safraan dibadda si ay u helaan daryeel caafimaad.

Hodan Hospital Sponsors Iftar for SOMSUD – Somali Graduates from Sudan Mogadishu, Somalia

Hodan Hospital Sponsors Iftar for SOMSUD – Somali Graduates from Sudan – Mogadishu, Somalia. Hodan Hospital proudly sponsored an Iftar gathering for SOMSUD, the association of Somali students who graduated from Sudan. This initiative highlights the hospital’s commitment to supporting the Somali academic community and fostering unity among professionals educated abroad. The event was attended by Hodan Hospital’s Executive Team Management, including the CEO, Medical Director, Business Development Director, and Lab Managers, who actively engaged with the SOMSUD graduates. This collaboration provides an opportunity for the hospital leadership to connect with the next generation of professionals, offering guidance and encouraging career development within the healthcare sector. Hodan Hospital remains dedicated to empowering Somali graduates, strengthening their professional networks, and promoting the advancement of healthcare services in Somalia through such initiatives.

Hodan Hospital Signs Collaboration Agreement with Rikaab and Tabaarak ICT Mogadishu, Somalia

Hodan Hospital Signs Collaboration Agreement with Rikaab and Tabaarak ICT – Mogadishu, Somalia Hodan Hospital Signs Collaboration Agreement with Rikaab and Tabaarak ICT Mogadishu, Somalia. Hodan Hospital has signed a strategic collaboration agreement with Rikaab Company and Tabaarak ICT to enhance healthcare access for Rikaab staff. The agreement was signed by Dr. Omar Dahir Mohamud, Business Development Director of Hodan Hospital, and Mr. Ismail Mohamed, HR representative of Tabaarak ICT. and Rikaab This partnership aims to facilitate quality healthcare services for the employees of Rikaab, ensuring access to medical treatment and healthcare facilities. Through this collaboration, Hodan Hospital will provide comprehensive healthcare support tailored to the needs of Rikaab’s staff, strengthening workplace health and well-being. This partnership marks a significant step in expanding corporate healthcare solutions in Somalia, fostering a healthier workforce and improved medical access.