Safiirka dowladda Talyaaniga Soomaaliya ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Hodan Hospital magaalada Muqdisho, booqashadaas oo qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Safiirka waxaa si diirran u qaabilay Agaasimaha Guud isbitaalka Dr. Mohamed Issaq Omar oo uu wehliyo Agaasime Ku-xigeenka isbitaalka Dr. Kayf Khayr, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa dhaqaatiir iyo agaasimayaal kale oo isbitaalka ka tirsan, oo uu ka mid yahay Prof. Dr. Fuad Amir Tarmuun. Intii uu socday kulanka, Safiirka wuxuu warbixin ka dhageystay adeegyada caafimaad ee kala duwan isbitaalka bixiyo, horumarka la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka, halka wafdigiisuna ay kormeer ku sameeyeen qeybaha kala duwan isbitaalka isla markaana ay la kulmeen dhaqaatiirta iyo agaasimayasha isbitaalka. Booqashadan waxay muujineysaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka. Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashadiisa, waxayna ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Safaaradda Talyaaniga Soomaaliya. Sidoo kale, dhawaan Isbitaalka Hodan waxaa yimid dhaqaatiir u dhashay dalka Talyaaniga, kuwaas oo ka fuliyay ololayaal caafimaad, taasoo muujineysa iskaashi sii xoogeysanaya oo u dhexeeya isbitaalka iyo khubarada caafimaadka Talyaaniga.
Monthly Archives: May 2026
MUNAASABAD MAHADCELIN IYO SHAHAADO SHARAFEED LAGU GUDDOONSIIYAY HOWLWADEENNADII HAGAR LA’AANTA UGA SHAQEEYAY OLOLAHA QALLIINNADA LACAG LA’AANTA AH ISBITAALKA HODAN
Munaasabad mahadcelin iyo shahaado sharafeed lagu guddoonsiiyay howl-wadeennadii hagar la’aanta uga shaqeeyay ololaha qalliinnada lacag la’aanta ah ee Isbitaalka Hodan. Muqdisho, Soomaaliya. Hoolka weyn Isbitaalka waxaa lagu qabtay munaasabad mahadcelin iyo shahaado sharafeed lagu guddoonsiinayay howlwadeennadii kaalinta muuqata ka qaatay hirgelinta ololaha qalliinnada lacag la’aanta ah ee uu fulinayay Isbitaalka Hodan. Munaasabaddan ayaa lagu maamuusay dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee ay muujiyeen howlwadeennada kala duwan Isbitaalka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay hirgelinta ololahan adeegga bulshada. Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa uga mahadceliyay dhammaan shaqaalaha ka qeyb qaatay ololahan, iyagoo xusay in guusha la gaaray ay ka dambeysay wadajir, dadaal, iyo dareen adeeg bulsho. Howlwadeennada ayaa sidoo kale la guddoonsiiyay shahaadooyin sharafeed oo lagu aqoonsanayo kaalintooda. Ololahan qalliinnada lacag la’aanta ah, oo ay maalgelinaysay King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, ayaa fursad u noqday bukaano Soomaaliyeed inay helaan adeegyo caafimaad oo muhiim ah iyagoo aan bixin wax kharash ah. Isbitaalka Hodan ayaa xusay sida ay uga go’an tahay sii wadista adeegyada caafimaad ee bulshada lagu taageerayo.
MUNAASABADDA DAAHFURKA OLOLAHA QALLIINNADA LACAG LA’AANTA AH OO KA QABSOONTAY ISBITAALKA HODAN
MUNAASABADDA DAAHFURKA OLOLAHA QALLIINNADA LACAG LA’AANTA AH OO KA QABSOONTAY ISBITAALKA HODAN. Muqdisho, Soomaaliya – 14 May 2026 – Maanta hoolka weyn Isbitaalka Hodan waxaa ka qabsoontay munaasabad si rasmi ah loogu daahfurayay ololaha qalliinnada lacag la’aanta ah ee ay maalgelinayso King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, kaas oo loogu talagalay taageeridda bulshada Soomaaliyeed ee u baahan adeegyada qalliinnada takhasuska leh. Munaasabadda waxaa si rasmi ah u daahfuray Dr. Mohamed Issaq Omar, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hodan, isagoo si diirran usoo dhaweeyay martidii sharafta lahayd ee kasoo qaybgashay munaasabadda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Ahmed bin Mohammed Al-Muwallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, madaxda King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, madaxda hay’adda IRVD, dhaqaatiirta fulinayay qalliinnada, iyo marti sharaf kale. Ololahan bani’aadannimo wuxuu bixinayaa adeegyo qalliineed oo lacag la’aan ah, waxaana ka faa’iideysan doona 210 bukaan, kuwaas oo heli doona qalliimo kala duwan oo ay ku jiraan qalliimada cunaha, sanka, kaadi mareenka iyo kilyaha, iyo qalliimada guud. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal uu ku bogaadiyay hirgelinta ololahan muhiimka ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta adeegyada caafimaad ee lagu gaarsiinayo bulshada u baahan, isla markaana ammaanay iskaashiga wax-ku-oolka ah ee ka dhaxeeya dowladda, hay’adaha samafalka, iyo xarumaha caafimaadka. Sidoo kale, Ambassador Ahmed bin Mohammed Al-Muwallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, ayaa carrabka ku adkeeyay sida Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga go’an tahay taageerada arrimaha bani’aadannimada iyo caafimaadka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in mashruucani uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa, Dr. Mohamed Issaq Omar, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hodan, ayaa muujiyay sida Isbitaalka Hodan uga go’an tahay sii wadidda adeegyada bulshada lagu taageerayo iyo xoojinta dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka casriga ah ee gudaha dalka. Ololahan ayaa ka tarjumaya muhiimadda iskaashiga bani’aadannimo ee lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo helitaanka adeegyada caafimaad ee takhasuska leh iyo yareynta baahida loo qabo in bukaannadu u safraan dibadda si ay u helaan daryeel caafimaad.