Skip to main content

Hodan Hospital

Wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed soo booqday Isbitaalka Hodan.

Isbitaalka Hodan ayaa maanta martigeliyay wafdi ka socday Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA), kuwaas oo u yimid qiimeyn iyo kormeer la xiriira adeegyada caafimaad ee isbitaalka.Wafdiga waxaa hoggaaminayay Dr. Alex, oo ah Madaxa Caafimaadka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Agaasimaha Centre for Aviation Medicine, isla markaana ah wakiil CASOA.Wafdiga isbitaalka waxaa ku soo dhaweeyay Dr. Ibrahim H. Ali, Madaxa Waaxda Gargaarka Degdegga ah ee Isbitaalka Hodan, ahna dhakhtar caafimaadka Hay’adda SCAA ah..Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in wafdigu qiimeyn ku sameeyo adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Hodan, si Isbitaalka Hodan u bilaabo baaritaannada caafimaadka shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Isbitaalka Hodan oo soo gabagabeeyay tababar ku saabsan suuxdinta iyo daryeelka bukaanka oo u qabtay xirfadlayaasha caafimaad oo ka socda Isbitaalka Dankaab ee Kismaayo.

Isbitaalka Hodan ayaa soo gabagabeeyay tababar xirfadeed oo ku saabsan suuxdinta, daryeelka bukaanka iyo adeegyada qalliinka, kaas oo loo qabtay xirfadlayaal caafimaad ka socday Isbitaalka Dankaab ee Kismaayo.Tababarka waxaa ka qayb galay 8 xirfadle caafimaad, kuwaas oo kala ahaa 2 xirfadle oo ka tirsan qaybta suuxdinta, 1 xirfadle oo ka tirsan qaybta daryeelka degdegga ah (ICU), iyo 5 kalkaaliye-caawiye oo ka hawlgala qolka qalliinka (OT).Tababarku wuxuu diiradda saaray horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan dhinacyada suuxdinta, daryeelka bukaanka, badbaadada qalliinka iyo habsami-u-socodka shaqada qolka qalliinka.Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa daahfurtay Lilia Garcia Salinas, Madaxa Qolka Qalliinka ee Isbitaalka Hodan, oo ka hadashay muhiimadda tababarrada noocan oo kale ah iyo kaalinta ay ka qaataan kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka. Waxay sidoo kale xustay faa’iidooyinka ay tababarka ka heleen xirfadlayaashii ka qayb galay.Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka hadlay Mr. Omar Mohamed, Madaxa Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka Isbitaalka Hodan, oo xusay muhiimadda iskaashiga, wadaagga aqoonta iyo is-dhaafsiga khibradaha caafimaad ee u dhexeeya xarumaha caafimaadka Soomaaliyeed.Ugu dambayn, shahaadooyinka tababarka ayaa la guddoonsiiyay ka qaybgalayaasha, waxaana shahaadooyinka bixiyay Dr. Sadam Abdirahman Mohamud, Madaxa Qaybta Suuxdinta iyo Daryeelka Degdegga ah ee Isbitaalka Hodan.Isbitaalka Hodan wuxuu sii wadi doonaa dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka iyo xoojinta iskaashiga xarumaha caafimaadka Soomaaliyeed, si loo helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, badbaado leh, isla markaana waafaqsan heerarka caafimaad ee casriga ah.

Hodan Hospital iyo Vitality Vitamin Drips oo maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi.

Isbitaalka Hodan iyo shirkadda Vitality Vitamin Drips ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis Iskaashi, kaas oo lagu xoojinayo lana horumarinayo adeegyada caafimaad dalka.Heshiiskan ayaa dhigaya in Vitality Vitamin Drips ay gudaha Hodan Hospital ka hirgeliso oo ay ka shaqeyso adeegyo ku saabsan baaritaanka heerarka iyo noocyada kala duwan ee fiitamiinnada muhiimka u ah jirka aadanaha, iyadoo sidoo kale adeegyada ku saleysan natiijooyinka baaritaanka loo fulinayo si waafaqsan habraacyada caafimaad.Dhanka kale, Hodan Hospital ayaa Vitality Vitamin Drips u diyaarinaysa goobta adeegga iyo taageerada lagama maarmaanka u ah adeegga bukaannada, iyadoo labada dhinac ay iska kaashanayaan sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo caafimaad oo tayo leh oo casri ah.Hodan Hospital iyo Vitality Vitamin Drips ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan iskaashiga iyo horumarinta adeegyada caafimaad si loo daboolo baahiyaha sii kordhaya bulshada.