sbitaalka Hodan ayaa kulan sagootin iyo duco ah u qabtay Dr. Omar Dahir, Agaasimihii Horumarinta Isbitaalka Hodan, oo hadda noqday Agaasimaha Guud Isbitaalka Jazeera.Kulanka oo lagu qabtay Isbitaalka Hodan ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxda iyo maamulka isbitaalka.Howlwadeennada iyo maamulka Isbitaalka Hodan ayaa qiray in Dr. Omar uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan isbitaalka, kaas oo muddo laba sano ah ka soo shaqaynayay horumarkiisa.Dr. Omar ayaa lagu xusuusan doonaa doorkii wax-ku-oolka ahaa uu ka qaatay horumarinta Isbitaalka Hodan, isaga oo la yimid fikrado kala duwan oo wax ku ool u ahaa horumarka isbitaalka.Agaasimaha Isbitaalka Hodan, Dr. Mohamed Isxaq Omar, ayaa ballanqaaday in Isbitaalka Hodan uu si dhow ula shaqayn doono Isbitaalka Jazeera, isaga oo uga mahadceliyay golaha maamulka Isbitaalka Jazeera magacaabista Dr. Omar Dahir. ………Dhamaaad…….
Monthly Archives: October 2026
Gudd oonnka G olaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) oo booqasho shaqo ku yimid Isbitaalka Hodan.
Guddoonka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ayaa booqasho shaqo ku yimid Isbitaalka Hodan, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka isbitaalka.Wafdiga booqashada ku yimid isbitaalka waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha, Mr. Imran Ahmed, Xoghayaha Golaha, Dr. Omar Ahmed Qadi, qaar ka mid ah hawlwadeennada Golaha iyo xubno ka tirsan Guddiga Sare Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.Wafdiga waxaa soo dhoweeyay Dr. Mohamed Isxaq Omar, Agaasimaha Isbitaalka Hodan. Kulanka ayaa labada dhinac ku yeesheen is-weydaarsi afkaar kala duwan oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Golaha iyo Isbitaalka Hodan.Kulanka ka dib, wafdiga Golaha NHPC ayaa soo indha-indheeyay qaybaha kala duwan Isbitaalka Hodan, iyagoo xog ka helay adeegyada caafimaad isbitaalku bixiyo iyo hawlaha kala duwan uu qabto.Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha caafimaadka, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka iyo tayada daryeelka bukaannada.Dhamaad
Isbitaalka Hodan oo tababar u qabtay ardayda kulliyadaha Daawada iyo Qalliinka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Isbitaalka Hodan ayaa tababar caafimaad u qabtay ardayda Kulliyadda Daawada iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ku jira sannadihii ugu dambeeyay ee waxbarashadooda.Tababarka ayaa ardayda lagu barayay habka loo qaado xogta iyo taariikhda caafimaad ee bukaanka, iyo sida bukaanka si habboon looga waraysto xaaladdiisa caafimaad. Arrimahan ayaa muhiim u ah qiimeynta iyo ogaanshaha xaaladda caafimaad ee bukaanka.Tababarka waxaa bixinayay Dr. Yasir Balla, , oo ah dhakhtar ku takhasusay Cudurrada Guud iyo Cudurrada Caloosha iyo Mindhicirrada (Internal Medicine and Gastroenterology).Isbitaalka Hodan wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa horumarinta aqoonta iyo xirfadaha jiilka cusub ee xirfadlayaasha caafimaadka Soomaaliyeed, isagoo siinaya ardayda fursado ay ku xoojiyaan aqoontooda iyo khibraddooda caafimaad.Isbitaalka Hodan wuxuu aaminsan yahay in horumarinta iyo soo saarista xirfadlayaal caafimaad oo tayo leh ay qayb muhiim ah ka tahay horumarinta caafimaadka dalka, iyadoo Isbitaalka Hodan uu yahay Hoyga Haldoorka Caafimaadka Soomaaliya.______Dhamaad___
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo soo booqday Isbitaalka Hodan.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa booqasho ku yimid Isbitaalka Hodan.Intii uu booqashada ku guda jiray, Guddoomiyaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Hodan, isagoo warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka oo ku saabsan adeegyada caafimaad, takhasusyada kala duwan iyo horumarka uu isbitaalku sameeyay.Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa ku ammaanay maamulka Isbitaalka Hodan adeegyada caafimaad ee tayada sare leh iyo adeegyada cusub ee casriga ah ee Isbitaalku ku soo kordhiyay bulshada Soomaaliyeed.Maamulka Isbitaalka Hodan ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha booqashadiisa, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta bulshada, hay’adaha iyo xarumaha caafimaadka. ……………….Dhamaad…………..
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan Xuquuqul Insaanka Qaranka oo booqasho ku timid Isbitaalka Hodan.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qasim Ahmed, ayaa booqasho ku timid Isbitaalka Hodan. Guddoomiyaha waxaa booqashada ku wehliyay qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan Xuquuqul Insaanka Qaranka.Wafdiga ayaa waxaa Isbitaalka Hodan ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka, Dr. Mohamed Isxaq Omar, iyo qaar ka mid ah maamulka sare isbitaalka.Intii ay booqashadu socotay, wafdigu waxay kormeer ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Hodan, iyagoo xog ka dhageystay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka, kana warbixiyay adeegyada caafimaad ee uu isbitaalku bixiyo.Qaybta Qalliinka Saalada, wafdiga waxaa ku soo dhaweeyay Dr. Sadam Abdirahman, Madaxa Suuxdinta Isbitaalka Hodan, asigoo wafdiga siiyay warbixin ku saabsan adeegyada qalliinka iyo suuxdinta ee isbitaalka.Booqashadu waxay qayb ka ahayd is-dhexgalka iyo xog-wadaagga hay’adaha qaranka iyo xarumaha caafimaadka, iyadoo diiradda lagu saaray adeegyada caafimaad iyo ilaalinta xuquuqda bukaannada…….Dhamaad……………..